Madaxweyne Deni Oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Published: May 21, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta si heer sare loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada xilgaarsiinta ee federaalka Soomaaliya, kuwaas oo isagu jirey wasiiro, xildhibaano iyo madax kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa halkaasi u tagey shirka wadatashiga doorashooyinka dalka kaas oo uu ku baaqay raysal wasaaraha xilgaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *