Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Garowe, kaddib guul-daradii doorashada Madaxweynaha JFS

Published: May 31, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabanaya Magaalada Garowe kadib muddo ku dhow labo bilood oo uu Puntland uga maqnaa dooarshada Soomaaliya.

Qaban qaabada soo dhoweynta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Siciid Deni oo u tartamay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya kuna guul-dareystay ayaa doorashada kadib safar aan ujeedkiisa la sii shaacin ku tegay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Deni ayaa imaanaya, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay ku xigeenkiisa Axmed Karaash, oo xilalkii ka qaaday saddex kamid ah golihiisa wasiiradda, inkastoo aanay dhaqan galin weli.

Warar ayaa sheegaya in Khilaafka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa khilaafkooda si hoose lagu xalliyay islamarkaana uu Axmed Kharaash maanta ka qeyb gelayo soo dhoweynta Madaxweyne Deni.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *