Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay xaflada xuska maalinta 1-da August 2021 oo ku beegan markii la aas’aasay dowlada Puntland.
Guddiga oo isugu jira wasiiro iyo agaasimayaal ayaa ka kooban todoba xubnood, waxayna ka shaqayn doonaan qaban-qaabada iyo diyaarinta munaasabadda kowda Ogos.
Hoos ka akhriso:
1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye)
2. Cabdisamed Maxamed Gallan Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin)
3. Aamino Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin)
4. Jaamac Faarax Muuse Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin)
5. Cabdisalaan Siciid Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin)
6. Cabdi Xasan Xuseen Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
7. Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin)
Horseed Media