Madaxweyne Deni oo magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland & Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada

Published: February 6, 2023
Shares24

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Maxamed Yusuf (Taaraan), u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntlnad.

Madaxweyne Deni ayaa horey Axmed Taaraan ugu magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland hase yeeshee Golaha wakiilada ayaa diiday inay ansixiyaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland G/sare Cabdifatax Xaaji Aadan Axmed.

Horseed Media