Published: June 16, 2022
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/06/BD7E1537-FDBD-4A33-8019-D99478CCF7E4-1080x720.jpeg)
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada maamulka Puntland.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/06/461E1730-49DC-445F-A6AE-C8E8446AB8F3-1080x720.jpeg)
Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta Gobollada iyo Degmooyinka ee Mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG iyo xaaladda deegaanka.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/06/68478DBC-D5D4-48B0-9DB7-146AB2660CC9-1079x720.jpeg)
Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay hirgelinta madasha horumarinta Puntland (PDF) iyo saamaynta Abaartu ku yeelatay dad iyo duunyoba.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/06/054BB2B0-BE9F-4C8B-8C51-07C1E54A82CD-1080x720.jpeg)
Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Warbixin ka dhageystay Xubnaha Golaha Wasiirada, isaga oo ugu baaqay inay dar dar geliyaan Shaqada ay u hayaan Bulshada.