Madaxweyne Deni oo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka kala hadlay xaaladda Abaaraha

Published: July 18, 2022
Deni iyo James Swan
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador, James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaa si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland.

Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kalanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Jamaal Carab Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka, Cabdullaahi Cali Xirsi, Wasiirka Tamarta , Macdanta iyo Biyaha, Caarshe Maxamed Siciid iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *