Madaxweyne Deni oo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka Puntland ee Arrimaha Siyaasadda

Published: July 26, 2022
Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kuna saabsan magacaabid La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) u magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka Puntland ee Arrimaha Siyaasadda.

Gawiido

Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) waxa uu kamid ahaa wasiirradii uu Madaxweyne Ku-xigaanka Puntland Axmed Karaash magacaabaay balse Madaxweyne Deni diidey.

Sidoo kale Cabdirisaaq Gawiido waxa uu horey u soo noqday La-taliyihii Amniga ee Madaxweynaha Puntland ee Gobolka Mudug.

Magacaabida xilkan cusub ee Gawiido ayaa ku soo aadeysa iyadoo horey uu khilaaf uga dhashay markii loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *