Madaxweyne Farmaajo iyo Istraatiijiyadda uu ku iibinaayo qorshaha muddo kororsiga- FAALLO

Published: July 18, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu tago magaalada Dhuusamreeb ee xarunta Galmudug, isaga oo ka jawaabaya baaqii ka soo baxay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee ahaa in Shirka uu ka soo qaybgalo wejigiisa labaad isaga iyo Raysalwasaariha Xukuumadda federaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu horey u sii kaxaysto Kulundiyaal (Kuwo aan la casumin) badan oo ay ka mid yihiin Raysalwasaare Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, taas oo keeni karta in shirku u baahdo mar kale gor-gortan laga galo cidda ka qaybgalaysa.

Niyad wanaagga shirka lala yimid.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu shirka la tegeyn niyad wanaagsan, marka la eego arrimo badan.

Ugu horeeyn Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu si weyn ayey ugu kala aragti duwan yihiin doorashada dalka ka dhacaysa iyo dhabbaha loo marayo, aragtida Raysalwasaaraha waxaa qaba dhamaan ama inta badan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo maamula halka doorashooyinku ka dhacayaan, sidoo kale waxaa aragtidiisa la qaba shir-guddoonka Aqalka Sare.

Maaweelada Shirka

Qorshaha Madaxweynaha ee ku aadan shirka Dhuusamareeb ayaa ah mid lamid ah kii Garoowe lagu qabtey bishii May 2019, ee wakhtigana lagu diley isla markaana la fashiliyey in aan waxba ka soo bixin.

Ugu horreyn Madaxweynuhu waxa uu ku dedaalayaa in shirka Dhuusamareeb aysan ka soo bixin qodobo masiiri ah iyo dhabbaha la marayo inta ka dhiman doorashada, doorashada dalka ka dhacaysa caynka ay noqon doonto.

Sida ay ogaatey shabakadda Horseed Media, waxaa Villa Somalia wadaa qorshe lagu mawaaleeinayo shirka oo lagu muujinaayo tanaasul in ay sameeyeen, waxa ugu weyn ee shirka ka soo baaxana ay noqoto in shir labaad oo loo wada dhan yahay lagu go’aamiyo qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa, haddii qorshashaasi hirgalo waa sida la doonaayey, laakiin haddii uu hirgeli waayo waxaa qorshahdoodu yahay in shirka la burburiyo, haddaba sida ay doonayaan haddii ay u dhacdo oo ah in shirkaani uu dhalo keliya shir kale oo loo ballamo, qorshaha labaad ee Villa Somalia ayaa ah intaanba la gaarin shirka kale in Xildhibaanada Golaha Shacabka oo in badan oo kamid ah jecel yihiin muddo kororsi uu kubbadda u dhigo ayna laadaan goolka muddo kororsiga, Markii ay ku dhawaaqaan qorshaha muddo kororsiga ee gaaraya 2 sano, waxaa loo baahan yahay ciddii difaaci lahayd muddo kororsiga taas oo ah Raysalwasaare cusub in dalka loo yeelo, iyo xukuumad olole ku timaada.

Beelaha Muddolood ayaa wadey shirar ay doonayaan in lagu mideeyo danaha Muddolood, waxaana soo baxaya in uu jiro guux in badan oo ka mid ah soo dhaweynayaan in raysalwasaare cusub la magacaabo, si ay awood ugu yeeshaan siyaasadda dalka ee afarta sano ee soo socota, taas oo ay hadda aamineen in ay ka maqan yihiin muraayadda siyaasadda ee la iska arko, waxaana durba soo baxaya in Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble loo caleemo saaro xilkaas, haddii qorshuhu guuleysto.

Maxaa la gudboon Dowlad goboleedyada

Haddaba waxaa looga fadhiyaa Dowlad goboleedyadu in aysan ku dhicin dabinka Villa Somalia ee ah in shirku noqdo mid aan miro ka soo bixin ee lagu maaweeliyo, waxaana ay awood u lee yihiin in ay qabtaan doorashooyin dalka ka dhaca haddii Dowladdu ka gaabiso oo jebiso sharciga, sidoo kale waxay isticmaali karaan inta Dowladda Federaalka ah ee oggol in doorasho la qabto, arrintan ayaa leh khatar weyn oo wax u dhimi karta geeddi socodka dowladnimada Soomaaliyeed ee mudada 20 sano ah, haddii aan wax laga beddelin damaca Villa Somalia iyo shirguddoonka Golaha shacabku wadaan ee muddo kororsiga

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *