Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Gaaray Dhuusamareeb

Published: February 1, 2021

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta magaalada Dhuusamareeb oo la filayo inuu ka furmo shirka wadatashiga madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo ay labo diyaaradood ay kala sideen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey martigeliyaha shirkan madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Sidoo kale waxaa maanta gaaray Dhuusamareeb madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaa iyagana la sugayaa inay saacadaha soo socda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Socdaalkan masuuliyiintan ayaa ku qotoma ka qeyb galka shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *