Madaxweyne Farmaajo oo Casumaad u diray Uhuru Kenyatta

Published: February 18, 2017

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ku casumay inuu kasoo qeyb galo xaflada caleemo saarkiisa ee ka dhici doonta magaalada Muqdisho 22ka bishan.

Casumaadan ayaa la sheegay inay la socotay fariin uu siday Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdisalam Cumar Hadliye oo khamiistii lasoo dhaafay kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaan weli shaacin inuu tagi doono magaalada Muqdisho iyo in kale balse qoraal laga soo saaray Xafiiskiisa ayuu hogaamiyaha Kenya hambalyo ugu diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Uhuru Kenyata ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Hadiyad wanaagsan uu Wasiir Hadliye uga siday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni ayaa isaguna xalay hambalyo usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya, walow aan la ogeyn in hogaamiyaha Ugandha uu tagi doono isaguna magaalada Muqdisho.

Uhuru Kenyatta ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku yimid magaalada Muqdisho bishii September ee sanadkii tagay xiligaasi uu dhacayey shirkii Madaxda IGAD wuxuuna ku sugnaa magaalada saacado kooban, waxaana xiligaasi lagu eedeeyey Uhuru Kenyata inuusan booqan Askarta Kenya ee Soomaaliya ku sugan, arrintaasi oo ay Saxaafada Kenya si weyn uga hadashay.

Balse Yuweri Museveni ayaa booqashadiisii ugu danbeysay ee Muqdisho ku tagay sidoo kale booqday ciidamada Ugandha ee AMISOM isagoona hal habeen ku dhaxay magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay hakin doonto Shaqada iyo dhaq dhaqaaqa Airportka Aden Cade maalinta 22ka ee ku beegan xaflada Caleemo Saarka, waxayna hakinta duulimaadyada la xariirtaa Madaxda la filayo inay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *