Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti Kula Kulmaya Muuse Biixi

Published: June 14, 2020

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Wafdi uu madaxweynuhu hoggaaminayo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda

Wafdiga Madaxweynaha ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan  wadahadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Wadahadalandan oo uu martigalinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaa Sidoo kale lagu casuumay ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed, Safiirka Maraykanka ee Somaliya, wakiillo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *