Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday hotel ku yaalla Xeebta Liido.

Published: April 23, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday hotelka ay ku shirayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Madaweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

“Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Ciidammada ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa ee doonayey inuu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *