Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Gudoomiyaha Golaha shacabka

Published: April 30, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka  11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *