Madaxweyne Farmaajo oo saxiixey metalaada Gobolka Banaadir

Published: January 28, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixey sharcigii Baarlamaanku ku meel mariyeen in Aqalka sare ee Jamhuuriyadda gobolka banaadir loogu daro 13 Xildhibaan.

“Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Saxiixa Madaxweyne Farmaajo oo aad uga daahey wakhtigiisi ayaa lagu soo beegay isla maalintii Puntland iyo Jubaland ay gudbiyeen guddigii doorashada ee heer Dowlad Goboleed, kadibna ku baaqeen in 31 Janaayo la isugu yimaado shir wadatashi oo doorashada caqabadaha hortaagan lagu xalinaayo.

Saxiixa Madaxweyne Farmaajo ee maanta lagu soo beegay ayaa noqonaya mid wareer iyo kala tag ku abuura Midowga Musharixiinta oo horey ugu ololeyn jirey arrinrtan kuna dhaliili jirey Farmaajo in aanu saxiixin go’aankii Baarlamaanka marka laga reebo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale waxaa qorshahan si weyn uga soo horjeedey Puntland, oo hadda u ololeyneysey shirka wadatashi.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.”

Heshiiskii 17 Sept 2020, ayaa noqonaya mid is beddal ku yimaado haddii la isku dayo in hadda la dhaqan geliyo mar haddii Madaxweynuhu ku saxiixey mudadiisi sharciga ahayd.

Si kastaba dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegay in tani noqon doonto jaahwareer kale oo gala arrimaha doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *