Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Faransiiska

Published: April 25, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron guusha uu ka gaaray doorashada dalkaasi, ka dib markii loo doortay inuu dalka sii hoggaamiyo shanta sano ee soo socoto.

May be an image of 1 person and text that says 'MADAXTOOYADA PON WATATNE PA Follow Mohamed Farmaajo @M_Farmaajo Le Gouvernement et le peuple le de la Somalie félicite le président @EmmanuelMacron pour sa réélection et le souhaite un plein succès. La France et Somalie ont une longue histoire de coopéra- tion et noua souhaitons renforcer. 1:36 AM APR 25, 2022 29 16 159 @TheVillaSomalia media@presidency.gov.so @MrDuqa'

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ugu hambalyeynayaan Madaxweyne Emmanuel Macron dib u doorashadiisa, waxaana u rajaynaynaa guul.” Ayuu Madaxweyne Farmaajo ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in labada dal uu ka dhaxeeyo iskaashi soo jireen ah, waxaana doonaynaa buu yiri inaan sii xoojino.

“Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah, waxaana doonaynaa inaan sii xoojino.” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Macron ayaa guul muhiim ah ka gaaray haweeneyda Xisbiga Midigta Fog ee Marine Le Pen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *