Madaxweyne Gaas: Farmaajo Cidda La Rabo Inuu Xiriir Dhow La Yeesho Waa Barlamaanka, Ma Aha Shacabka

Published: March 11, 2017

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in isbedelka iyo waxqabadka laga filayo Madaxweynaha iyo xukuumadda Cusub ee Soomaaliya ay ku xiran tahay sida ay xiriir dhow oo wadashaqaynayd ula yeeshaan Barlamaanka Federaalka iyo dowladda Goboleedyada Soomaliya

Madaxweynaha oo Waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Deparani show ee Somalicable ,Wuxuu tilmaamay in puntland ay diyaar u tahay in xiriir dhow oo wadashaqaynayd ay la yeelato Madaxweynaha iyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

” Madaxweyne Farmaajo waa Saaxiibkay, waana wadashaqaynaynaa, wadoshaqayn dhab ah oo saaxibtinimo dhow ah ayaan la yeelanaynaa, haddii ayan dhankooda wax ka imaan,mana rajaynayo, Xasana waa dhalinyaro oo wanaagsan oo mutacalim ah” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“Dadka wax xukumaa shacabka ma aha, Madaxweyne Farmaajo cidda la rabo inuu xiriir dhow la yeeshee waa Barlamaanka aqal hoose iyo aqal sare, Garsoorka, gollaha xukuumadda iyo maamul goboleedyada, madaxweynuhu inuu shacabkiisa ku xiran yahay waa fiican tahay, laakiin shaqada dowladnimo cida ay dhexmarayso, cida isbedelka samaynasa, dastuurka wax ka bedelaysa ee dhamaystiraysa waa Barlamaanka iyo gudayadiisa” ayuu yiri

Dhinac kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in dowladda imaraadku ay ka caawiso Dowladda Puntland tababarka iyo taakulaynta dhaqaale ee Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF, isagoo meesha ka saaray inuu jiro heshiis saldhig milateri lagu siinay dowladda Imaraadka.

“Dowladda Imraadka waxay naga taageertaa Tababarka iyo ciidamada badda Puntland wax qarsoon ma ahan, laakiin saldhig Milatari oo Imaaraad leeyahay oo Puntland ka jira ama nalagala hadlay ama aan hadda ka bacdi aanu rajeyneynaa ma jiro`ayuu yiri.

Gabagabadii, Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in dowladda Imaraadku ay Puntland ka caawinayso ballaarinta iyo dhismaha Dekeda Bosaso oo ah dekeda yar oo 30 sanno ka hor la dhisay, taasi oo uu sheegay in balaarinteedu ay ka qaybqaadan doonto horumarka iyo koboca dhaqaale ee Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *