Madaxweyne Geelle Iyo Xasan Cali Kheyre Oo Kulmay Jabuuti

Published: October 5, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooda ee Jabuuti ku qaabilay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulankan ayaa ahaa booqasho iyo isxog-waraysi, waana kulankii ugu horeeyey tan iyo markii uu xilka laga qaaday kheyre uu la qaatay madaxweynaha Jabuuti.

Xasan Cali Kheyre oo shalay kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu Jabuuti ka bilaabo ololihiisa doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2020/2021.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo oo isna ah musharax madaxweyne doorashada soo socota ayaa shalay ka degay dalka Eretria oo khilaaf kala dhexeeyo Jabuuti.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *