Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Published: May 7, 2022

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta safar shaqo ku gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Yuusuf Dabageed mudada uu Muqdisho ku sugan yahay waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo madaxda ugu sareysa Dowladda.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) uu ku tegay Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli ay maalmo kooban naga xigaan waqtiga loo asteeyey doorashada Madaxweynaha dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *