Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland oo shirar ka bilaabey gobolka Gedo

Published: July 20, 2023

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Gedo ayaa maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmada luuq ee Gobolka Gedo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta heerarka kala duwan ee maamulka iyo bulshada deegaanka waxaana lagaga hadlayay wada shaqaynta bulshada iyo Dowladda ee dhinacyada nabadgalyada, hormarka iyo dib u heshiisinta.

Waxaa socda wadahadal isidii shir dib u heshiisiin ah loogu qaban lahaa gbolka Gedo oo ka go’anaa Jubaland inteeda kale tan iyo sanadkii 2019.

Horseed Media