Madaxweyne ku xigeenka Malawi oo musuq-maasuq dartii xabsi loogu taxaabay

Published: November 26, 2022

Saulos Klaus Chilima, Madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay soo dhammaaday baaritaan eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ayaa Chilima ku eedeeyay in lagu abaalmariyay caawimaad uu u sameeyay shirkadaha Xaviar Limited iyo Malachitte FZE, oo ah laba shirkadood oo xiriir la leh ganacsade Ingiriis ah oo lagu magacaabo Zuneth Sattar, si ay qandaraasyo u siiso dowladda Malawi.

“Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka bixinayo. Waxaan maxkamadda u oggolaan doonaa in hannaanka uu socdo,” ayuu Chilima ka sheegay maxkamadda bannaankeeda.

Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa xilkii ka xayuubiyay Chilima inta ay socoto baarintaannada la xiriira musuqmaasuqa.

Sidoo kale, Madaweynaha Malawi Chakwera ayaa Bishii Janaayo ee sanadkan kala diray dhammaan golahiisa wasiirada, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ka dhan ah saddex wasiir oo xilka hayay.

Horseed Media