Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho Kaga qayb galay Shir looga hadlayey Abaaraha.

Published: March 1, 2017

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey ayaa magaalada Muqdisho kaga qab galay shir looga hadlayey abaaraha baaxadaleh ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirka kasoo qayb galay gudiga abaaraha heer fadaraal, heer maamul goboleed iyo xubno kasocdey beesha caalamka.

Madaxweyne ku xigenka Puntland ayaa uga warbixiyey gudiga abaaraha iyo masuuliyiinta kale-ba xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu sheegay in Puntland ay ka jirto abaar xoogan oo aan weligeed Soomaaliya Soomarin, taasi oo saamaysay dad iyo duunyoba isla markaana wax yeelaysay dhammaan degaanada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ayaa intaasi ku daray in Puntland ay ku soo hayaameen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ka kala yimi Waqooyin, Galbeedka Iyo koonfurta Soomaaliya kadib markii ay ka da`day raxmada Alle degaanada gobolada Bari iyo Karkaar.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la wadaagey gudigga in dawladda Puntland iyo shacab keeda oo is garab sanaya ay gaadhsiiyeen xoolo dhaqatada abaartu saamaysay gurmad lagu caawinayey dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ee halkaasi ku soo hayaamay, waxaana uu isugu jirey gurmadkaasi dhammaan waxyaaba nolosha aasaasiga u ah.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdikariin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa gudiga usoo jeediyey in maanta ay muhiimtahay in lacaawiyo ummadda Soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufta aduunyo ee ay sababtay abaarta ka jirta guud ahaan giyiga Soomaalida, isla mar`ahaantaana wax lagu-taro isku tashi Soomaaliyeed.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *