Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Ku Sugan Awdal, Kacdoon Hubaysan oo Ka Bilowday Gobolkaas Kadib

Published: November 12, 2019

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay Degmada Dilla ee Gobolka Awdal, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Imaanshaha madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka dambeeyay ka dib markii Koox hubaysan oo isku magacowday Cawaal ay ka kacdoon hubaysan oo ka dhan ah maamulka madaxweyne Muuse Biixi ka bilaabeen goboladda Awdal iyo Salal ee Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ka soo geed beelaha gobolka Awdal oo ka hadlaya kacdoonka ka bilowday degaankaasi, waxaa uu yiri

“Horumarkii waxaa mar walba inaga jeedinaya buuqyadaa dadkeenii iyo deeganadii maalin walba waxaan macno lahayn isku haystaan, innagana waxbaa laynaga sheeg sheegayaa annigu ku dheeraan maayo oo wasiiradii iga horeeyey baa ka hadlay, Boorama maanta waxaan belaayo ahayn oo ka maqani ma jirto, magaalo la wada majeeranayo Somaliland iska daayoo deegaamadii Soomaalida oo dhami isha kusoo hayaan weeyaan markaa caqligu inuu shaqeeyo ayaa loo baahan yahay”

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Afhayeenka madaxweynaha Jsl Maxamuud Warsame Jaamac waxaa uu xadhiga ka jaray Biyo gelin lagu sameeyey Degmada Dila oo ay Fulinaysay Hay’adda Welt Hunger Hilfe (WHH) oo laga leeyahay Waddanka Jarmalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *