Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo arimaha abaaraha kala hadlay Finland & Norway

Published: June 2, 2022

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Safaaradaha Finland iyo Norway.

Madaxweyne kuxigeenka iyo Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Abaaraha deegaanada Puntland, xoojinta taageerada dhinaca waxbarasha ee ay Puntland siiyaan dowladdaha Finland iyo Norway, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda Puntland iyo taageeradooda.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay sida ay Puntland uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta ay la leedahay deeq bixiyayaasha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *