Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo geeriyooday

Published: May 20, 2021

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Rabbi ha u Raxmadee Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay cisbitaal ku yaala Muqdisho oo arrimo caafimaad loo geeyey sida uu xaqiijiyey Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Puntland.

AUN Cabdisamad Cali Shire ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland Wuxuuna haystay Darajada General ee Ciidanimo isagoona sidoo kale xilka Madaxweyne Kuxigeen uu kasoo qabtay dowladdii uu Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *