Madaxweyne Laftagareen Oo Guddoomiyey Kulanka Golaha Wasiiradda K/Galbeed Oo Looga Hadlay Hawgalka Argagixisada

Published: October 22, 2023

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shir Golaha Wasiirada maamulkaas uu yeeshay maanta oo looga hadlay  qorshaha Qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta deeganada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo dowladda federaalka ka tirsan, waxaana socda qorshe ballaaran oo Khawaarijta looga sifeynayo dhulka ay ka joogaan Koonfur galbeed.

Horseed Media