Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Marko

Published: July 27, 2022
Shares40

Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyeeyay Geerida ku timid Allah u naxriisto Gudoomiyaha Degmada ahan Duqa Magaaladda Marko Cabdullahi Cali Axmed Waafow.

Marxuum Cabdullaahi Cali ayaa lagu dilay Qarax noociisu ahaa mid ismiidaamin, xilli uu marxuumka hor fadhiyey xarunta degmada marka.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in Al-Shabaab oo ka dambeeyay qaraxaas dhibaatada ay ku hayaan Shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda aysan aheyn mid la soo koobi karo, isla markaana ay bartilmaameed sanayaan dadka waxgalka ah.

Ugu dambeyn Madaxweyne Laftgareen waxa uu sheegay in loo baahan yahay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay yihiin kuwo si joogta ah u beegsada Shacabka iyo mas’uuliyiintooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *