Madaxweyne Muuse Biixi oo beeniyay inuu doonayo muddo kororsi

Published: June 14, 2022

Madaxdweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xisbiyada muraacadka ah ay tuhunsan yihiin inuu muddo xileedka dheeraysan rabo, balse aanu taa sharci u haysan.

Isagoo xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag, ayaa Madaxweynhuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibedbixii 9-kii June ka dhacay Hargeysa.

Waxa uu ka warramay sababta keentay in xukuumaddiisa ay mucaaradka u oggolaan weydo inay qabsadaan mudaharaad nabdoon, sida ay ku doodeen hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.

“Waraaq wargelin ah ayay soo qoreen, waxaa la yiri isu-key keena, wayna ka xanaaqeen oo waxba nooma oggola oo way na meer-meerinayaan bay dhaheen. Dhibaato aynaan u baahnayn baa ka dhacday. Hadday dad ku dhaawacmeen, hadday xarig tahay, hadday buuq tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse.

Muuse Biixi ayaa doonaya in nidaamka Xisbiyada la furo kadib markii 10 sano buuxsantey, kadib Xisbiyada saddexda ah ee soo baxa uu doorashada qabanaayo, isaga oo yiri Xisbiyada soo baxa “hadh-cad ayaan la tartami doonaa”, waxaa isku soo beegmay xiligii doorashada Puntland iyo xiliga la oggol yahay in nidamka xisbiyada dib loo furo oo kuwo cusub ay imaan karaan, taas ayuuna doonayaa in uu ka faa’ideysto si uu u helo muddo kororsi ugu yaraan hal sano ah.

Mucaaradka ayaa diidan inay dhacdo doorasho xisbiyada lagu furayo oo ka hor marta tan madaxweynaha ee loo asteeyay 13-ka November.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *