Madaxweyne Qoor-qoor Oo Arimaha Doorashada Kala Hadlay Safiirka UK

Published: December 30, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya ee Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Madaxweyne Axmed Qoorqoor.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha UK Kate Foster, waxaa ka wada hadalnay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo doorashooyinka, waxaan isla garanay baahida degdegga ah ee loo qabo in la soo gebagebeeyo doorashada inay tahay oo keliya xalka macquulka u ah Soomaaliya”

Madaxweyne Qoor-qoor

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *