Madaxweyne Siciid Cabdulaahi oo safar ugu baxay Gaalkacyo

Published: May 7, 2023

Waxaa subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah ka ambabaxay magaalada Garoowe wefdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa qado loogu sameeyey magaalada Burtinle ee dhacda wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaana uu kulan la qaatey kaadiriinta ururka Kaah, iyo waxgaradka magaalada.

Safarka Madaxweyne Deni ayaa la rumeysan yahay in la xiriiro olole doorasho.

Maalintii shalay waxaa isla wadadaas marey oo si weyn loo soo dhaweyey siyaasigii sida adag kula tartamey xika Madaxweynaha sanadkii 2019 waa Gen Asad Cismaan Cabdullaahi oo si weyn loogu soo dhaweeyey dhamaan deegaanada u dhexeeya Garoowe iyo Gaalkacyo.

Horseed Media