Madaxweyne Soomaaliya Oo Hambalyo U Diray Hogaanka Cusub Ee Midowga Afrika

Published: February 7, 2021

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu u hambalyeeyay guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Moussa Faki iyo ku-xigeenkiisa Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyeyaasha qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer qaaradeed ee ku aaddan ilaalinta nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *