Madaxweyne Xasan oo kulan Saagootin ah la yeeshay Safiirka Talyaaniga

Published: November 26, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay safiirka Talyaaniga oo wakhtigiisa dhameystay.

Ambassador Alberto Vecchi oo sanadihii lasoo dhaafay Talyaaniga u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa u mahadnaqay dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir dheer.

Wuxuuna uga mahadnaqay Safiirka inuu sii xoojiyey xiriirkaasi labada dal intuu xilkan hayey.

Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada Midowga Yurub ee Dowlada Soomaaliya ka taageera dhinaca horumarinta iyo amniga.

Horseed Media