Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Nairobi Kenya

Published: May 28, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo halkaas si diirran loogu soo dhaweeyey.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika uga qeyb-galaya magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doona dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika.