Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay, kadib booqashadiisii dalka Kenya

Published: July 16, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga uu dalku la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *