Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka Jabuuti kaga qayb galaya munaasabadda xiritaanka Shirka Heritage

Published: December 6, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu safro dalka Jabuuti.

Ujeedka safaraka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah ka qayb galka munaasabadda xeritaanka Shirka Heritage oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Caasimadda dalkaasi ee Djabuuti.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno iyo madax hore ayaa ka qeyb galay furitaanka shirkaan.

Kulanka madasha aragi wadaaga Soomaalida ee ka socda dalka Djibouti ayaa sannadkan waxaa lagu soo casumay, cilmi-baarayaal Soomaali ah oo muddo ku hawlanaa arrimaha isbedelka cimilada, abaaraha iyo sida ay Soomaalida u sameeyeen.

Horseed Media