Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni kala hadlay xasilloonida gobolka

Published: October 10, 2022
Shares10

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan Alshabaab, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni  ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

Horseed Media