Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa Jabuuti kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab

Published: December 7, 2022
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay dagaalka Al-shabaab ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Horseed Media