Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudiga

Published: December 9, 2022
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedreaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah si uu uga qaybgalo shirka Shiinaha uu la leeyahay Madaxda Waddamada Carabta iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Sacuudiga waxa uu la kulmayaa mas’uuliyiin katirsan Boqortooyada Sacuudiga , Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Madaxda Carabta iyo kuwa Afrika ee shirkaas ka qaybgalaya.

Madaxda uu la kulmayo waxa uu kala hadlayaa xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Bani aadamnimada iyo deyn cafinta maadaama ay madasha ku sugan yihiin qaar kamid ah waddamada deynta ku leh Soomaaliya.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa daneynaya in dalkiisa uu xiriir Ganacsi & mid amni la wadaago waddamada Carabta iyo Afrika si meesha looga saaro dowladda Mareykanka.

Horseed Media