Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya

Published: September 13, 2022
Shares18

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu ku adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *