Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray goobihii ay ka dhaceen Qaraxyadii Beledweyne

Published: November 20, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii horaantii bishii hore ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku welinayey Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer iyo indha indheyn ku tagay Madaxtooyadii Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraradaas ay geysteen Al-shabaab.

Horseed Media