Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo gaar ah la yeeshay Madaxda Talyaaniga

Published: January 31, 2024

Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane, Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Mss, Giorgia Meloni.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Magaalada Rome ayaa lagu soo gebagabeeyey kulan u dhaxeeyay Talyaaniga iyo wadamada Afrika oo looga hadlayey dhanka iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo Tahriibta.

Horseed Media