Madaxweyne Xasan Sheekh oo la dagaallanka Al-shabaab kala hadlay António Guterres

Published: November 1, 2022
Shares48

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xogahayaha Guud Qaramada Midoobey António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Ururka Al Shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro.

Madaxweynaha ayaa Xogahayaha guud la wadaagay horumarrada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalanka lagu hayo.

Madaxweyne Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bini’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowlada Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yahiin ammaanka dalka iyo dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriiri Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu dambneyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadan garab istaagida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Horseed Media