Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Safaarada Imaaraatiga ee Muqdisho

Published: February 13, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.

Weerarkii ka dhacay xerada Gordan ee lagu dilay saraakiishii ugu sareysay ee Imaaraatiga ku sugan Soomaaliya, ayaa laga cabsi qabaa inuu hakad ku keeno hawlihii Imaaraatiga ka waday Muqdisho, dowladaasi oo heshiis dhanka amniga ah la gashay Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media