Madaxweyne Xasan Sheekh oo labada Gole ee Baarlamaanka uga warbixiyey xaaladda guud ee Dalka

Published: November 15, 2022
Shares22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta daahfuray kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn sheegay in Dalka hadda uu ku jiro dagaalka ka dhan ah Al-shabaab kaas oo ka socda inta badan Goballada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Siyaasadda dowladdiisa ay lafdhabar u tahay in ay soo dhaweysato cid waliba oo diyaar u ah in ay ka taageerto arrimaha mudnaanta u leh dowladdiisa.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay fududeeyaan dhammaan sharciyada horyaala Golaha, kuwaas oo uga imaaday Xukuumadda.

Horseed Media