Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee…
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweyey.
Madaxweynaha iyo wafdigiìsa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magalada garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntlnad, Kuxigeenkiisa, mas’uuliyiin ka tirsan federaalka iyo qaybaha kala duwan bulshada.
Ujeedka Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Garoowe oo laba maalin qaadan doona ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.
Sidoo kale, Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ujeedkiisa ugu weyn ku qotomo sidii xal looga gaari lahaa tabasho ay qabaan madaxda Puntland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Horseed Media