Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Kismaayo 

Published: March 1, 2023
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa si diirran Magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Horseed Media