Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada

Published: October 6, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan ladagaallanka Al-shabaab, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah Ururkaas iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado Al-shabaab.

Horseed Media