Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar qarsoodi u baxay?

Published: October 12, 2022
Xasan sheekh

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta safar uga baxay magaalada Muqdisho, kaas oo aan horey loo sheegin isla markaana aan la sheegin halka uu u baxay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ka qaadey diyaarad gaar ah.

Laba war ayaa soo gaarey Horseed media:

War ayaa sheegaya in Madaxweynuhu u baxay dalka Koonfur Afrika waxaana adkaatey in la fahmo ujeedka Koonfur Afrika.

Halka warka labaad sheegayo in uu safar ugu baxay Imaaraadka Carabta.

Horseed media