Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo booqday difaacyada ciidamada ku sugan furimaha dagaalka

Published: November 26, 2022
Shares20

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeerey difaacyada ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo halkaas kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada oo ku jiray diyaargarow ayaa ku bogaadiyey guulaha kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kormeerka, Madaxweynaha waxaa ku weheliya madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan safarro ku marayey deegaanno badan oo ka kala tirsan Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug kuwaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Horseed Media