Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad

Published: October 22, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Munaasabadda xarriga loogu jarayay degadda Garacad ee Gobalka Mudug, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyanah Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar Cagjar, Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee Kenya Aadan Barre Ducaale, Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka soo qeyb gashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasadda ayaa bogaadiyay Madaxda Puntland iyo bulshada ku dhaqan deegaannadaas, isaga oo ugu baaqay Madaxda Dowlad Gobaleedyada kale ee Dalka in ay ku daydaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doona jidka isku xira Degada Garacad iyo Itoobiya, si uu u fududaado ganacsiga maadaama Dowlad Deegaanka Soomaalida ay degadda wax uga soo degi doonaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay madaxda gacanta ku heysa dekadda in ay balaariyaan fursadaha maalgashi.

Dekedda Garacad ee laga hirgaliyay Gobolka Mudug ayaa ahaa mashruucii ugu weynaa ee dhawaanahan laga hirgeliyo dawlad goboleedka Puntland, kaas oo lagu dhisay isutashi dadweyne.

Horseed Media