Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt

Published: December 18, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt ayaa la wadaagay amiirka dalkaas mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii dalkaas Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul wasaaraha iyo golaha Amiirrada ee uu la kulamy.

Horseed Media